You will not be able to view this website in all its glory until you upgrade your browser to one that supports web standards.

Quick Links
Macluumaad ku saabsan xoolaha Somaliland PDF Print E-mail

{smoothgallery timed=true}

Adhiga Madaxa Madow ee Soomaaliyeed

Adhiga madaxa madow ee Barbaraawi-lagu tilmaansadaa waa adhiga dhogorta maqaarkiisu gaaban tahay kuna barbaara Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo sida caadadu tahay si dabiici ah u  daaqa cawska dabiiciga ah. Waxaanu dadka hilib cunka ah ugu caan baxay in hilibkiisu jilicsan yahay dhadhan wanaagsanna leeyahay aan baruur badanna lahayn oo udgoon. Siifaddiisu aad bay u yar tahay waanu ka hilib badan yahay marka la barbar dhigo lafahiisa noocyada kale ee Idaha ah ee adduunka ka jira. Taasi ayaa ka dhigtay inuu noqdo cunto ahaan wax aad looga xiiseeyo suuqyada Bariga Dhexe iyo Afrikaba, dadka isticmaalaa aad bay u jecel yihiin dhadhanka hilibka adhiga Soomaaliyeed, tooxdiisa munaasibka ah (5-20kg) ee hilibka ahi waxay ku habboon tahay baahi qoys. Dhadhanka wanaagsan waxa ugu wacan baruuro kala duwan iyo dux uu leeyahay oo isku dhafan lana ogaaday inay wax daweeyaan.

Da’da u dhaxaysa sannad ilaa shan sano ayaa hilibkooda la cunaa.
Badiba Barbaraawi ayaa loo yaqaannaa inuu facii koowaad yahay ee ay iska dhaleen madax-madoobihii Bershiya (Iiraan) iyo Droper. Wananku iyaga aad baa loo qiimeeyaa taasi oo ku tirsan xagga diinta waqtiga Xajkana aad baa loogu baahdaa.

Lo'da

Lo’da Zebu ee Somaliland waxay ka mid tahay kuwa loo yaqaano Zebu-gii yaraa ee Somaliland ama Zebu-gii geeso yarta ee Somaliland amba Zebu-gii Waqooyiga Somaliyeed. Lo’daas Somaliyeedna waxa aad looga xiiseeyaa Yemen, Cummaan, Imaaraadka ee Bariga Dhexe.

Lo’da ku korta deegaankan waxa laga filaa inay leedahay hilib wanaagsan oo leh manfaco iyo duxba. Hilibkaas waa mid jilicsan oo wanaagsan oo ka dhigay cunto aad looga jecel yahay dalal badan oo loo dhoofsho.

Geela

Geelu waxay Somalidu badi u dhaqdaan caanaha, in kasta oo aan la hayn wax tilmaamaya xaddiga wax-soo-saarkooda. Waxa kale oo geelu kaalin weyn ku leeyahay reer-guuraanimada iyo gaadiidka ganacsiba.Iyadoo ay ugu wacan tahay qaab-dhismeedka u gaarka ah tuludda geela ah, wuxuu awood u leeyahay inuu isaga gudbo meelaha biyaha yar amba oommanaha ah watiyada roob yaraanta socdana isagoon biyo cabin in muddo ah.

Geela yaryari wuxuu leeyahay hilib jilicisan oo dhadhan wanaagsan leh oo dadku ay jecel yihiin. Hilibka Geela waxa lagu iibiyaa hudheellada badidooda ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn, qiimihiisuna wuu ka sarreeyaa kan hilibka Riyaha iyo Idaha.

Caado ahaan, Geelu waa ishin loo dhaqdo si loo helo tixgelin xagga bulshada oo tirada Geela uu leeyahay ayaa qofka lagu qaddiriyaa. Saanta Geela waxa loo dhoofshaa dalal Asia ah oo ay ka mid yihiin Singapore, Hongkong, Dalkana waxay u soo hoysaa lacag adag.

 
< Prev   Next >