| Booqashada Suuqyada |
|
|
|
|
Soo booqo suuqyada awoodda leh, kana qaybgal carwooyinka iyo ururada ganacsi ee Somaliyeed kana jira dalalka shisheeye. Kol haddaad tahay ganacsade wax-dhoofsha macluumaadka aad heshaa waxay awood kuu siinayaan inaad ogaatid tartanka kaaga imanaya wax-soo-saarka gudaha iyo kuwa wax-dhoofiya ee suuqaa ku jira. Taaasi waxay suurtogal kaaga dhigaysaa inaad fool-ka-fool is waajajdaan ganacsatada hawlgaladiinu isku nooc yihiin. Taageerada Maaliyadeed ee wax dhoofintaArrintan sida caadiga ah way ka hawl badan tahay tan ganacsiga gudaha. Lacagaha la baxshaa badi waa horumarin, markaa waxaad u baahan tahay inaad u xadiddo maaliyadda aad u baahan tahay oo u samayso nidaam kala soocaya lacagtaa isticmaalkeeda. Habka loo sarrifo lacagta qalaad iyo heerka sarrifka in la ogaado waa mid habboon, mararka qaarkood waxa dhici kara in heerka waxa lagu sarrifaa is beddelo, oo markaa hawshii aad wadday inaad ka hesho macaashkii aad filanaysay in ka yar ama aad bixisid kharash ka badan intaad qorshaysay. Somaliland suuqyada xoolaha iyo badeecooyinka kale looga dhoofisaa waxay u badan yihiin kuwa khaliijka sida Dubai, Yemen, Oman, Sacuudiga iyo Baxrayn. |
| < Prev | Next > |
|---|




