You will not be able to view this website in all its glory until you upgrade your browser to one that supports web standards.

Quick Links
Fursadaha ku jira xidhiidhada balaadhan PDF Print E-mail

Kol haddii aad tahay ganacsade wax-dhoofsha, macluumaadka aad ka hesho xidhiidhadaa waxay fursad kuu siinayaan inaad qiimaysid tartanka kaa soo horjeeda gudaha iyo kuwa kale ee suuqyada hore ugu jiray. Waxa kale oo ay fursado kuu siinayaan inaad fool-ka-fool ula kulantid ganacsato awood leh oo aad isku hawl tihiin. Waxa kale oo aad fursad u helaysaa inaad go’aansato ganacsiga aad u heellan tahay ood faa’iido weyn ka heli doonto.

Si aad u hesho wararkaas, waxaad u baahan tahay shebekad aad xidhiidh kula samaysato maalgeliyeyaasha shisheeye iyo ganacsatada gudahaba.

Ka qeyb qaadashada dhacdooyinka isku xidhka wararka

Rugta Ganacsigu waxay qaban-qaabisaa carwooyin ganacsi, kala xidhiidh sidii aad macluumaad dheeraad ah u heli lahayd.

Faa’iidooyinka weyn ee dhacdooyinka isku-xidhka wararka: waxaad si dhakhso ah u helaysaa wararka suuqyada, waxa kale oo aad yeelanaysaa xidhiidho kuu horseedaya gelidda suuqyada xoolaha ee macaashka wanaagsan leh ee Bariga Dhexe.

Samaynta Website

Waxaad samayn kartaa Website aad adigu iska leedahay oo kuu soo hoggaamin kara macmiil awood leh.

Website-kaasu waxa kale oo uu ganacsatada kale gacan ka siinayaa inay ogaadaan nooca hawlgalkaaga ganacsi, helidda wararkaasina waxay horseedayaan in ganacsigaasi kuu ballaadho gudaha iyo caalamkaba.

 
< Prev   Next >