You will not be able to view this website in all its glory until you upgrade your browser to one that supports web standards.

Quick Links
U diyaargarowga Wax Dhoofinta PDF Print E-mail

Tilmaamahani waxay ku tusaaleynayaan tallaabooyinka aad shirakaddaada ugu diyaar garayn karto dhoofin xoolo. Waxay kaa haqab-tiriyaan barashada qaabka wax loo dhoofsho, hab raareedda iyo meelaha aad gacan waydiisan karto, waxaanay si cad u qeexayaan fursadaha ka jira ganacsiga xoolaha iyo baaxadda ay u leeyihiin ganacsatada gudaha iyo maalgeliyeyaasha shisheeye :

Tallaabooyinka u horreeya ee wax dhoofinta

Waraaqaha muhiimka u ah wax-dhoofiyaha waa kuwan hoos ku taxan:

Qaansheegadka
Liiska Badeecadda
Bill of lading / Airway bill
Bill of entry
Warqadda rarka markabka/diyaaradda.
Shahaadadda Caymiska (hadii loo baahan yahay).
Shahaadadda Baadhista (Haddii loo baahan yahay).
Shahaado Asalka (Haddii loo baahan yahay).
Shahaado Caafimaad (Haddii loo baahan yahay).
Ruqsada wax Dhoofinta (Haddii loo baahan yahay).

Barashada Aasaaskeeda

Barashada aasaaska wax dhoofinta ganacsatada xoolo dhoofiya, ee hirgalaa waa kuwa xaalad walba ku talo gala aadna isu-habeeya kana daalin kobcinta ganacsigooda dibedda. Baahidaada koowaad waxay tahay inaad baratid habka ay ku shaqeeyaan suuqyada xoolaha ee dibedda iyo sida uu hawlgalkaagu ula qabsano karo habkooda.

La xidhiidhka ganacsato xoolaha oo hirgalay ayaa ah tallaabo wax ku ool ah oo xoolo dhoofiye cusub oo Somaliland joogaa ku kaco. Sideedaba, Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somaliland (SLCCIA) ayaa haya macluumaad badan oo kugu biirin kara wararka badeecooyinka, suuqyada kala duwan, shuruucda ganacsiga ee gudaha dalka iyo dalkii shisheeye ee aad danaynaysaba.

Cidda gacan siin kara Ganacsadaha

Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha iyo Beeraha Somaliland (SCCIA) ayaa kugu xidhiidhin karta Ganacsato shisheeye oo awood leh oo aad iskaashan kartaan. Isla markaana waxaa ka heli doontaa Rugta wacgelin ku saabsan dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo faa’iidooyn kuu yeelan kara. Waxaana ka mid ah arrimaha carwooyinka lagu qabto dalka gudihiisa ay ka dhigaan ganacsatada shisheeye. Wasaaradda Ganacsiga lafteeda waxa laga heli karaa macluumaadka suuqyada wax loo dhoofsho iyo fursadaha ganacsiga ee ka jira.

Internetkuna waa meel laga heli karo macluumaadka, iyadoo ay ku xidhan tahay nooca macluumaadka aad doonto.

Ka qayb-galka shirarka (Workshops)

Shirarka ganacsiga iyo taba-barrada ay u sameyso Rugta Ganasigu ganacsatada wax-dhoofsha waa hab fudud oo lagu baran karo shuruucda ganacsiga. Intaas waxa dheer in ka qayb-galkaasi fursad weyn kuu siinayso inaad la kulantid koox aad isku Khibrad tihiin oo aad wadaagtaan macluumaadkaa.
Shaqaalaha laftooda ka qayb-geli shirarkaas iyo taba-barradaa. Hawsha wax-dhoofintu ma aha hal qof oo keli ah ka hirgelin karo shirkadda dhexdeeda. Waa in si wada-jir ah loogu hawl gala.

La socodka iyo ka warheynta kuwa tartanka kugula jira

Waxa kale ood u baahan tahay inaad heshid macluumaad gaar ah oo ku saabsan sida lagula tartamayo suuqyada dibedda ee kuu fiican, sida Bariga Dhexe haddii aad danaynayso inaad macaashtid. Si xeel-dheer ugu fiirso sida kuwa kula tartamayaa ay ula dhaqmayaan suuqa, waxaana ka mid ah Austaria, Pakistan iyo India oo ah shisheeyaha tartanka kugula jira, adoo adeegsanaaya Internetka, markaad is-barbar dhigto taada iyo toodana waxa suurtogal noqonaysa inaad ogaatid arrimo kuu horseedi kara inaad guulo gaadhid.

Website-ka Faa'iido kuu leh xagga tartanka 

Council for Australian–Arab Relations
www.dfat.gov.au/caar
Includes reference material for this publication.

Department of Foreign Affairs and Trade
www.dfat.gov.au
Essential advice on countries, trade developments, travel advisories.

Austrade
www.austrade.gov.au
Valuable information on preparing for export, data on overseas markets.

Australia Arab Chamber of Commerce and Industry
www.austarab.com.au
Essential site for Australian exporters to the Arab world.

Australian Arab Communities Council
www.arabcouncil.org.au
The Australian Arab community. Cross-cultural awareness seminars.



Websites Waxtar kuu leh

 

  •     Abu Dhabi Chamber of Commerce and Industry - www.adcci-uae.com
  •     Sharjah Chamber of Commerce and Industry - www.sharjah.gov.ae
  •     UAE Federation of Chambers of Commerce – www.fcci.gov.ae
  •     Kuwait Chamber of Commerce and Industry - www.kcci.org.kw
  •     Chamber of Commerce Eastern Province  - (Dhahran) – www.chamber.org.sa
  •     Council of Saudi Chambers of Commerce  - www.saudichambers.org.sa
  •     Riyadh Chamber of Commerce & Industry  - www.riyadh-chamber.org.sa
  •     Chamber of Commerce and Industry – www.chamberoman.com
  •     Bahrain Chamber of Commerce – www.bahrainchamber.org.bh
  •     Amman Chamber of Commerce – www.ammanchamber.org
  •     Iran Chamber of Commerce, Industries and Mines - www.iccim.org

 


 
< Prev   Next >