You will not be able to view this website in all its glory until you upgrade your browser to one that supports web standards.

Quick Links
Fursadaha Maalgelineed PDF Print E-mail

Somaliland waxay leedahay khayraad dabiici ah oo badan oon weli laga faa’iidaysan, iyadoo weliba la dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo ka shisheeyahaba. Dalka waxa jooga shaqaale la adeegsan karo. Dhowaanta dowladdu waxay soo saartay sharci cusub oo dhiirigelinaya dammaanadna qaadaya dhowrista maalgashiga shisheeye  (eeg sharciga maalgashiga shisheeye  ).

Sharcigaasi wuxuu maalgeliyaha shisheeye siinayaa faa’iidooyin ay ka mid yihiin cashuur dhaaf. Waxa intaa dheer, in dammaanad-qaad in lala wareegi karin hantidiisa. Sharcigaasi wuxuu tilmaamayaa in aad loo soo dhoweynayo maalgashiga shisheeyaha ee Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Wershadeynta.

Xafiiska horumarinta maalgashiga shisheeyaha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ayaa u xil-saaran maamulka iyo hirgelinta howlaha la xidhiidha sharcigaa. Waqtigan shirkad Talyaani ah oo kalluumaysato ah iyo 36 markab oo kuwa dhexe ah oo Masaari ah oo Bishiiba kallumaysan kara illaa 30 M/Ton ayaa rukhsado la siiyay waxa lagu qiyaasaa xaddiga kalluumaysiga ee ay soo qabtaan kalluumaysatada gudaha iyo shisheeyuhuba 19,000 M/Ton sannadkiiba, iyadoo daraasadaha UNDP ku qiyaastay in awoodda kulluumaysiga dalku ay tahay 90,000-120,000 M/Ton Sannadkiiba.
Kala xidhiidh E-Mail: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

 
< Prev   Next >