|
Haddii aad tahay qof ganacsade, maalgeliyena ah waxa lagama maarmaan ah inaad aqoon u lahaatid dalka siyaasaddiisa dhaqaale. Aqoonta macluumaadkaasi waxay gacan wayn kaa siinaysaa in qorshahaaga ganacsi ee wax-dhoofinta iyo soo dejintuba ay la jaanqaadaan fursadaha ay u gogol xaadhayso siyaasaddaa ganacsigu. Waana siyaasadda ganacsiga ee dalka tan sida cad u qeexda meelaha la xoojinayo iyo waxay dowladdu u qabanayso horumarinta ganacsiga. Dhiirrigelinta ganacsiga ee suuqyo lagu helo, taakulaynta maaliyadeed ee ganacsiga, heshiisyada ganacsi iyo dukumentiga la xidhiidha waxa laga heli karaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha haddii la waydiisto. Xuddunta siyaasadda ganassigu waa Wasaaradda, sidoo kalena waxaad gacan taageero ka heli kartaa Rugta Ganasiga haddii loo baahdo. Kastamka iyo CashuurahaSomaliland heerka cashuuraha wuxu heerkoodu ku salaysan yahay tan gaarka ah (Specific) iyo tan qiimaha labadoodaba oo u dhexeeya 3% ilaa 70%, balse noqon karta in ku dhow 30% guud ahaan. Cashuuraha heerkoodu sarreeyo waxa laga qaadaa badeecooyinka aan daruuriga ahayn sida qaadka, sigaarka iyo cadarka, iwm. Cashuurta DekaddaWaxa jira kharash kale oo ah xafidaadda oo laga qaado badeecadaha soo gala ama ka baxaya dekadaha Somaliland, oo gaadha 3% qiimahooda (Cashuur Dulsaar ka ah qiimaha), kharashkaas oo u dhigma adeegyo loo fidiyo oo laga qaado badeecooyinka la soo dejiyo amaba la dhoofsho, ooney ku jirin kuwa hoos ku sheegani: 1) Xoolaha la rabbeeyo ee ay leeyihiin Madaxda Sare ee Dal Shisheeye, iyadoo loo baahanyahay in heshiis is xaq dhowrid ah lays weydaarsado. 2) Namuunadaha badeecooyinka haddii aanay ahayn kuwo toos loo isticmaalayo. 3) Badeecooyin cashuur-dhaaf leh oo dowladdu leedahay. 4) Qalabka loo isticmaalayo taakulaynta bani-aadamnimo. Shahaado Asalka Shahaado Asalka oo ku waajibtay badeecooyinka la dhoofsho oo dhan balse ku xidhan dalka loo dhoofinaayo, taasi oo suurto gelinaysa ka faa’iidaysiga haddii uu jiro nidaamyo ama heshiisyo cashuur dhimid ah lala leeyahay dalkaa. Shahaado CaafimaadUjeeddadiisu waxay tahay in la xaqiijiyo in xoolaha la dhoofshaa ay yihiin kuwo fayow oo tayo sare leh. Dalalka badankoodu waxay shardi ka dhigaan shahaado caafimaad iyo fayoobidba inay lahaadaan xoolaha iyo wax-soo-saarkooduba, si loo raalli-geliyo nafsadda iibsadaha. Waxa intaa dheer in shahaadadda caafimaadku u xaqiijiso dhoofiyaha iyo soo dejiyahaba in xoolahaasi ay isu gudbiyeen ay caafimaad qabaan dadkuna quudan karo. Markaa, xoolo-dhoofiyeyaasha waxa ku waajib ah inay kala xidhiidhaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha arrimaha la xidhiidha shahaadadaas. Somaliland waxa baadhitaanka caafimaad ee xoolaha lagu sameeyaa xerada karantiinka ah ee Dekadda, markaas ka bacdi, ayaa la siiyaa ganassatada shahaadadda caafimaadka ee caalamiga ah. Ruqsadda DhaqdhaqaaqaSomaliland waxa rasmi ahaan loo hirgeliyey habka loo yaqaano karantiinka wareega (Rolling Quarantine), taasi oo ujeeddadu tahay hubinta in xoolaha la dhoofshaa yihiin kuwo fayow. Xoolaha waxa shahaadaddaa la siiya markay baadhitaan caafimaad shaybaadhna lagu sameeyo.Ganacsatada waxa lagu guddoonsiiyaa shahaado baadhitaan suuqyada iyo xeryaha xannaano, marka kormeer caafimaad ay ku sameeyaan dhakhaatiirta xoolaha ee Dowladda, oo ka bacdi siiya rukhsadda dhaqdhaqaaqa ay ku tegi karaan Dekadda Berbera. Ruqsadda DhoofintaGanacsatada gudaha iyo maalgeliyeyaasha shisheeyaba, waxa jira waraaqo sharci ah oo laga doonayo si ay u helaan rukhsadda dhoofinta (Export License) oo ah sidan: Ganacsade keli ah Warqadda Aqoonsiga (Waddaniga) Sawirka Baasaaboorka (Ajnebiga Deggan) Warqad Xisaabeed Asli ah oo Baanka ka soo baxday oo caddeynaysa inay u taallo 5 Milyan oo SL.Sh ah. Laba Sawir oo uu leeyahay Caddeyn Lahaanshaha Hanti-Ma-guurto ah oo qiimaheedu yahay USD 10,000 amaba 30 Milyan SL.Sh. Shahaado Dembi-la’aan ah oo ka soo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Caddeyn inaan Cashuur lagu lahayn oo ka soo baxday Xafiiska Cashuuraha Berriga. Diiwaan-gelinta Rugta Ganacsiga.
Shirkadaha Shahaado Diiwaangelinta Shirkadda oo uu bixiyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Sharciga Dhismaha Shirkadda Namuunadda Saxeexa Maamulaha sare ee shirkadda. Kharashka Ruqsadda oo ah 2,084,000 SL.Sh una dhiganta US$600. Caddeyn inaan Cashuur lagu lahayn oo ka soo baxday Xafiiska Cashuuraha Berriga Diiwaan-gelinta Rugta Ganacsiga
Ruqsadda Dejinta iyo Rarista Maraakiibta
Shakhsi keli ah Sawirka Warqadda Aqoonsiga (Waddaniga) Sawirka Baasaaboorka (Ajnebiga Deggan) Warqad Xisaabeed Asli ah oo Baan ka soo baxday caddeynaysa inay u taallo 5 Milyan oo SL.Sh ama US$1,500. Laba Sawir oo uu leeyahay Caddeyn Lahaanshaha Hanti-Ma-guurto ah oo dhan US$30,000 amaba 30 Milyan SL.Sh. Shahaado Dembi-la’aan ah oo ka soo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Caddeyn inaan Cashuur lagu lahayn oo ka soo baxday Xafiiska Cashuuraha Berriga. Diiwaan-gelinta Rugta Ganacsiga. Shirkadaha Shahaado Diiwaangelinta Shirkadda oo uu bixiyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Sharciga Dhismaha Shirkadda. Namuunadda Saxeexa Maamulaha sare ee shirkadda. Kharashka Ruqsadda oo ah US$200. Caddeyn inaan Cashuur lagu lahayn oo ka soo baxday Xafiiska Cashuuraha Berriga. Diiwaan-gelinta Rugta Ganacsiga.
Sugidda Tayada XoolahaWaxa la joogteeyay inay jiraan koox caafimaad oo heer degmo ah, kuwaas oo fasaxa xoolaha markay baadhaan, amaba xoolo ka soo gudba xuduud oo lagu ururiyo meel aan ka fogeyn halkay ka soo gudbeen, sida Tog-wajaale iyo suuqyada kale. Markaa waxa la guddoonsiiyaa shahaado baadhitaan caafimaad, haddii lagu arki waayo markaa wax shaki geliya caafimaadkooda. Gaadiidka qaada xoolaha waxa laga ilaaliyaa inaan loo rarin si xad-dhaaf ah si ay uga badbaadaan diiqad iyo raaxo darraba. Haddii halkaasi ay jiraan xoolo aan baadhista ka gudbin, waxa lagu celiyaa meeshii ay degmadaa ka yimaadeen ama halkii laga keenay hadday xuduudda ka soo gudbeen. Waxa tilmaamo u ah xaaladaha lagu diidi karo xoolaha, qanjo-barar, cadho, dhaawacyo, shuban, raaf-dillaac amaba tuhun cudurada faafa. Xoolaha markaa waxa loo raraa xafiis goboleedka caafimaadka xoolaha, halkaas oo lagu siiyo rukhsada dhaqdhaqaaqa, marka dib loo sugo shahaadaddii baadhitaanka ee degmada ama xuduudda. Xoolaha markaa waxa loo gudbiyaa Dekadda laga dhoofsho (Berbera). Halkaas oo marka hore lagu dejiyo meel gaar ah oo ka fayow cudurrada oo ay ku nastaan 2-4 maalmood, taasi oo ku xidhan meesha laga keenay. Meelaha cuduurrada ka caaggan, waxay leeyihiin biyo iyo caws ku filan. Markaas ayaa la tiriyaa intaanu sarkaalka caafimaadka xoolaha ee Degmadu u samayn shahaado kale. Xoolaha ayaa loo gudbiyaa Sarkaalka Caafimaadka Xoolaha ee Dekadda, kaasi oo dib u wada jeeg-gareeya shahaadooyinkii oo dhan. Howshaas taxan ka bacdi, ayaa sarkaalka caafimaadka xoolaha ee Dekaddu warbixintiisa lagu fasaxaa xoolo fayow, oo cashuurihii Dowladda Hoose, Dowladda Dhexe iyo shahaadadihii Rugta Ganacsiga loo sameeyaa. Markaas ayaa la kantaroolaa markabka qaadi doona xagga awoodda iyo qaadistiisa, nefiskiisa, biyo iyo cawskana u yaalliin markabka/Doonta ayaa cayayaanka laga buufiyaa-markaas ayaa xoolaha lagu raraa oo loo sameeyay shahaadaddii Caafimaadka. Rarka Warqadda Rarka Maraakiibta Maraakiibtu waa gaadiidka u badan ee badeecooyinka loogu soo gudbin karo amaba lagaga dhoofin karo Somaliland Adduunka intiisa kale. Iyadoo laga faddilo gaadiidka cirka sababtoo ah inay ka jaban yihiin ugana sahlan tahay ku raridda badeecooyinka coojka ah. Dekadda Berbera ayaa laga heli karaa gaadiidka badda, waana halka laga heli karo adeegga badeecooyinka laga dhoofinaayo dalka iyo kuwa uga imanaya dekadaha adduunka ee kale. Markaad abaabulaysid inaad bad ku dhoofisid badeecco, waxaad u baahan inaad la xidhiidhid wakiil howlaha Maraakiibta ah, oo isku xidhiidhiya wax dhoofiyeyaasha ama soo dejiyeyaasha iyo Maraakiibta qaadi doona badeecadahooda. Uma baahan doontid inaad adigu toos u qabatid, balse wakiil rarid iyo soo dejin oo kharash qaata ayaa ku fulin kara hawshaasi. Somaliland waxa laga heli kara wakiillada maraakiibta oo xafiisyo ku leh Hargeysa iyo Berberaba. Warqadaha ama dukumentiga loo baahan yahay in Somaliland badda wax uga dhoofiso ama uga soo dejiso waxay yihiin: Qaansheegad Ganacsi oo saddex nuqul ah oo caddeynaya macluumaadka loo baahan yahay oo dhan sida qiimaha, caymiska, kirada, qiimaha (CIF) ee badeecadda, warqadda ama rarka markabka ama diyaadadda. Warqadda rarka markabka/diyaaradda. Mararka qaarkoodna shahaado caafimaad ama mid gaar ah, warqadahaa rarka waa inaan la soo raacin markabka sida badeecadda, balse waa in lagu soo diraa diyaarad si loo hubiyo inay soo gaadhaan mulkiilaha intaan badeecaddu iman ka hor. Badeecadaha lagu soo diro diyaaradaha, waraaqaha rarka waxa la soo raacin karaa badeecadda ama waxa lagu soo lifaaqi karaa warqadda alaabta lagu soo gudbinayo. Miisaanka oo saafi ah waa in lagu caddeeyaa oo Kiilogaram ah warqadda qaansheegadka, ama kuwa kale ee la socda badeecadda. Waxa kale oo la muujinayaa tirada nooc walba iyo qiyaasaha badi loo isticmaalo badeecooyinkaas.
|