|
Waxtarka Dhaqaale ee Xoolaha |
|
|
|
|
Aagga xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland iyagoo boqolkiiba lixdan ilaa Shan iyo Lixdan (60-65%) kaalin ah ka qaatay dhaqaalaha guud ee Dalka. Waxa lagu qiyaasaa tirada xoolaha dalka 10 milyon oo riyo ah, 5 milyan oo Ido ah, 5 milyan oo Geel ah iyo 2.5 Milyan oo Lo’ ah (Tirooyinkii 2003).
Dhaqaalaha Dalku wuxuu si aad ah ugu tiirsan yahay xoolaha loo dhoofiyo suuqyada waaweyn ee ay ka mid yihiin dalalka Khaliijka sida Sucuudiga, Imaaraadka, Yemen iyo Cummaan. Dalka waxa laga dhoofshaa in ka badan hal miyan oo Riyo iyo Ido ah sannadkiiba marka la barbar dhigo 3.5 milyan oo intii ka horreysay xayiraaddii 1998 uu Sucuudigu saaray xoolaha. Xoolaha iyo manaafacaadkooda kale sida caanaha iyo hilibka wax-tarkoodu kuma eka quudinta xoolo raacatada reer miyiga ah oo keli ah, balse waxay qeyb weyn ka yihiin cunto maalmeedka dadweynaha miyiga iyo magaaloba.
|