|
Ujeedooyinka Rugta loo dhisay |
|
|
|
Ujeedooyinka loo dhisay Rugta waxay yihiin kuwa hoos ku cad: - Wakiil ka noqoshada Ganasatadda kala duwan, Wershadleyda, Beeraleyda iyo Kalluumeysatadda iyadoo danahooda ilaalineysa, kana shaqeynaysa horumarinta hawlgaladooda.
- U dhaxaynta Dawladda iyo Hantileyda gaar ahaaneed iyo u kala gudbinta labada dhinac talooyinka iyo wada tashiga arrimaha khuseeya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sameynta shuruucda cusub ee saameeya dhaqaalaha.
- U horseedida horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo dhiiri-gelinaysa wax-soo-saarka kordhinaaya wax-dhoofinta.
- Raadinta suuqyada dibeda ee ku wanaagsan wax-dhoofinta iyo kuwa kale ee laga keeni karo badeecooyinka tayada fiican, qiimahooduna hooseeyo.
- Ururinta, isku duba ridka iyo faafinta Wararka, Qoraalada iyo Waraaqaha rasmiga ah ee saameeya Ganacsiga, Wershaddaha, Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.
- La socodka dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee gudaha iyo dibada.
- Qaban-qaabinta Carwooyinka gudaha iyo ka qayb-galka kuwa dibedda ee caalamiga ah.
- Samaynta tababaro gudaha iyo raadinta kuwo dibedda ah oo ganacsatada iyo shaqaalaha Rugtuba ka faa’iidaystaan.
- U kuur galka dhibaatooyinka ka hor imanaaya dhaqaalaha dalka iyo tallo ka soo jeedinta sidii looga hortegi lahaa, iyadoo la kaashanaysa Guddiyo ka kooban aqoonyahanno ku xeel dheer arrimahaa.
- Magacaabida ka qaybgalayaasha Shirarka iyo Seminaarada Caalamiga ah ee khuseeya hawsha Rugta.
- Taakuleynta hantileyda gaar ahaaneed, sidii ay uga heli lahaayeen maalgelin Hay’addaha Gudaha iyo Dibeddaba.
- Abaabulka Xidhiidh iyo Iskaashi ay la yeelanayso Rugaha iyo Ururada Carbeed, Goboleed, iyo Caalamiga ahba.
- Dhiiri-gelinta hawl kasta oo horumarineysa Dhaqaalaha Dalka.
- Ka qayb-qaadashada dibudhiska Dhaqaalaha Dalka iyo Nolosha Bulshada..
Adeegga Guud ee Rugta Rugtu waxay samaysaa adeegyada hoos ku cad:;
|