Ujeedooyinka Rugta loo dhisay

Ujeedooyinka loo dhisay Rugta waxay yihiin kuwa hoos ku cad:

Wakiil ka noqoshada Ganasatadda kala duwan, Wershadleyda, Beeraleyda iyo Kalluumeysatadda iyadoo danahooda ilaalineysa, kana shaqeynaysa horumarinta hawlgaladooda.

  1. U dhaxaynta Dawladda iyo Hantileyda gaar ahaaneed iyo u kala gudbinta labada dhinac talooyinka iyo wada tashiga arrimaha khuseeya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sameynta shuruucda cusub ee saameeya dhaqaalaha.
  2. U horseedida horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo dhiiri-gelinaysa wax-soo-saarka kordhinaaya wax-dhoofinta.
  3. Raadinta suuqyada dibeda ee ku wanaagsan wax-dhoofinta iyo kuwa kale ee laga keeni karo badeecooyinka tayada fiican, qiimahooduna hooseeyo.
  4. Ururinta, isku duba ridka iyo faafinta Wararka, Qoraalada iyo Waraaqaha rasmiga ah ee saameeya Ganacsiga, Wershaddaha, Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.
  5. La socodka dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee gudaha iyo dibada.
  6. Qaban-qaabinta Carwooyinka gudaha iyo ka qayb-galka kuwa dibedda ee caalamiga ah.
  7. Samaynta tababaro gudaha iyo raadinta kuwo dibedda ah oo ganacsatada iyo shaqaalaha Rugtuba ka faa’iidaystaan.
  8. U kuur galka dhibaatooyinka ka hor imanaaya dhaqaalaha dalka iyo tallo ka soo jeedinta sidii looga hortegi lahaa, iyadoo la kaashanaysa Guddiyo ka kooban aqoonyahanno ku xeel dheer arrimahaa.
  9. Magacaabida ka qaybgalayaasha Shirarka iyo Seminaarada Caalamiga ah ee khuseeya hawsha Rugta.
  10. Taakuleynta hantileyda gaar ahaaneed, sidii ay uga heli lahaayeen maalgelin Hay’addaha Gudaha iyo Dibeddaba.
  11. Abaabulka Xidhiidh iyo Iskaashi ay la yeelanayso Rugaha iyo Ururada Carbeed, Goboleed, iyo Caalamiga ahba.
  12. Dhiiri-gelinta hawl kasta oo horumarineysa Dhaqaalaha Dalka.
  13. Ka qayb-qaadashada dibudhiska Dhaqaalaha Dalka iyo Nolosha Bulshada..

 Adeegga Guud ee Rugta

Rugtu waxay samaysaa adeegyada hoos ku cad:;

  • Samayta Shahaado Asal ah ee la raacsho alaabooyinka dalka laga dhoofsho oo dhan.

  • Xaqiijinta Warqadaha rasmiga ah iyo Saxeexyada Xubnaha Rugta

  • Rumeynta Qaansheegyada Ganacsi
  • dhexdhexaadinta marka laga codsado, muranka saameeya ganacsiga ee ka dhex dhaca ganacsatada gudaha amaba kuwa gudaha iyo ganacsatada dibedda.
Webdesign